“Waxaan ugu baaqay dhinacyada Suudan inay Wada Hadal ku xalliyaan khilaafkooda” Abey Ahmed

0
145

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abey Ahmed ayaa sheegay inuu Kulan la qaatay Madaxa Golaha Sare ee Suudaan, Waxa uu kala Hadlay Xaaladda colaadeed ee ka Taagan suudaan.

 

Abey Axmed ayaa Labada Dhinac ee Dagaalka culusi ku dhex marayo Suudaan Ugu baaqaay inay wada hadal ku dhameeyaan Dagaalka oo ay xabadda Joojiya .

 

War qoraal ah oo uu Abey ku baahiyey baraha Bulshada ee uu leehay ayaa Waxa ka mid ahaa sidan

 

  1. “Waxaan galabta la hadlay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Golaha Sare ee Jamhuuriyadda Suudaan. Waxaan u sheegay in Itoobiya ay aaminsan tahay in Suudaan ay kaga soo bixi doonto xaaladda ay hadda ku sugan tahay muddo gaaban gudaheed, Waxaan ugu baaqay dhinacyada is haya inay wadahadal ku xalliyaan khilaafkooda”