Madaxdhaqameed Muqdisho ka yimid oo Hargaysa Soo Gadhay Iyo Ujeedada Socdaalkoda

0
154

Madaxdhaqameed kasoo kicitimay magaalada Muqdisho, oo u socda in ay dhexdhexaadiyaan xukuumada Somaliland iyo garaadada SSC ayaa yimid magaalada Hargaysa.

Salaadiinta oo hore safar ugu tagay magaalada Laascaanood isla markaana la kulmay madaxda dhaqanka SSC, ayaa la rajaynaya in ay kulamo la qaataan madaxweynaha Somaliland iyo madaxdhameedka Somaliland ee iyagu dhankooda ku howlan xal u helista colaada.

“Madax dhaqameedkii mudaba ku maqnaa magaalada Caynaba ee gobolka Sool ayaa halkan ku qaabilay is waraysigayaguna wuu noo danbeeyaa” Suldaan Xasan oo kamid ah madaxda Dhaqanka Somaliland ee u xilsaaran xalinta colaada Laascaanood ayaa sida warbaahinta u sheegay.