Sudan:- Xabad Joojintii Oo Burtay Iyo Dagaal Oo Sii socda  

0
176

Sudan:- Xabad Joojintii Oo Burtay Iyo Dagaal Oo Sii socda

Dagaalada ka socda dalka Sudan ayaa ah kuwo sii socda in kasta oo ay jirto xabad joojin caalami ah oo la rabay in la dhaqan galiyo, iyadoo ciidamada daacada u ah jeneraallada dagaalka ay ku dagaalamayaan goobo muhiim ah oo ku yaala caasimadda dalkaasi oo midba midka kale ku eedeynayo inuu jebiyey xabad joojinta.

 

Isbitaalo badan oo ku yaal Khartoum ayaa weli ka maqan adeegii shaqaalaha caafimaadkuna waa ay awoodi waayeen inay gaaraan xarumaha daryeelka caafimaadka. Ururka Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas iyo Ururada Bisha Cas ayaa ka digaya in nidaamka caafimaadka Suudaan uu halis ugu jiro burbur.

 

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 185 qof ay dhinteen tan iyo markii uu dagaalku billowday Sabtidii.

 

Waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee ku aadan in la joojiyo colaada ka taagan dalka Afrika, iyadoo wasiirada arrimaha dibadda ee G7 ay Salaasadii shalay ku baaqeen xabbad-joojin degdeg ah oo la dhex dhigo ciidamada isku haya dalkaas.