Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group Oo Tacsiyadeeyey Geerida Sadex Qof Oo Muhiim ah oo Somaliland Ka Baxay

0
241

 

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Abdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, Maamulka iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadeennada iyo Wakiiladda Shirkadda Dahabshiil Group waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan eheladii, Asxaabtii, Qoysaska iyo Qaraabadii gaar ahaan Reer Sheekh Maxamed Suufi, Reer Hoori-Mataan, iyo Reer Xaashi Dhamac geeridda naxdinta leh ee ku timid Marxuuminta kala ah; Marxuum Sheekh Maxamuud Maxamed Suufi, Marxuum Aadan Muxumed Hoori-Mataan iyo Marxuum Cabdilaahi Xaashi Dhamac oo maanta oo ay taariikhdu tahay 16 April 2023, geeriyoodey.
Waxa aannu Ilaahay uga baryaynaa inuu marxuumiinta u nauxariisto Jannadiisa Fardowsa ugu deeqo, qabrigana uga dhigo beer ka mid ah beeraha jannada, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna Ilaahay ha ka siiyo qoysaskooda, eheladooda, asxaabtoodii iyo Umadda ay ka baxeen.

– Aamiin Aamin –