Dagaal Maalintii Labaad Ka Socda Suudaan Oo sababay Dhimashada in ka Badan 50 qof

0
188
Ugu Yaraan 56 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka u dhexeeya ciidanka iyo kooxda gurmadka degdegga ah ee (RSF), sida ay sheegeen koox dhakhaatiir ah oo madax-bannaan. Ururka Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegay in tobaneeyo askari ay soo gaareen dhaawacyo, ugu yaraan 595 qofna ay ku dhaawacmeen guud ahaan dalka.
Dadka deegaanka ayaa ku soo waramaya in duqeymo culus oo dhanka cirka ah lagu qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin gudaha iyo hareeraha magaalada Khartoum