Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho Ku Wada Afuriyey Islaam Iyo Gaal ba

0
124

Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho Ku Wada Afuriyey Islaam Iyo Gaal ba

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku maamuusay diblumaasiyiinta ka howlgala dalka oo uu wehelinayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, afur wadareed ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed ee ku tilmaaman martisoorka iyo soodhaweynta.

 

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee saaxiibda caalamiga ahi ka qaataan dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaana uuna soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowladnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada.