Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Mariupol ee dalka Ukraine

0
178

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Mariupol ee dalka Ukraine, ka dib warankii qabashada ahaa ee loo Jaray.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqday magaalada Mariupol ee dalka Ukraine oo ku taal gobolka Donetsk oo tan iyo bishii May ee sanadkii hore ay qabsadeen ciidamada Moscow.

Putin ayaa diyaarad helicopter ah ugu duulay Mariupol wuxuuna ku wareegay dhowr degmo oo magaalada ka tirsan, wakaaladda TASS ayaa Axaddii sheegtay, iyadoo soo xiganaysa Kremlin-ka