Badhasaab Toogasho lagu Dilay Isaga iyo Shan Kale Waddanka Filibiin

0
125
Badhasaab ka tirsan gobolka bartamaha dalka Filibiin iyo shan qof oo kale ayaa waxaa toogasho ku dilay dabley aan heybtooda la garan, weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah siyaasiyiinta deegaanka.
Booliiska ayaa sheegay in lix qof oo laga shakisan yahay ay wateen qoryo isla markaana ku labisnaa darees la mid ah kuwa ay xidhtaan ciidamada hubeysan ay galeen guriga gudoomiyaha oo ku yaala magaalada Pamplona kadibna ay rasaas ku fureen, Kuna dileen isaga iyo dadka kale.