Shirku wuxuu u cadaaynayaa shacabka reer Somaliland in aanay Gudidaasi ku metelin Beelaha Garxajis godobada ay soo saareen.

0
156

Warsaxaafadeed

Shir ay isugu yimaaden Salaadiin Cugaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Beelaha
Garxajis maanta oo taariikhdu tahay 20/02/2023.
Waxay go’aansadeen inay ka fal celiyaan Qodobadii ay soo saareen Gudida Gacan Libaax ee Garxajis ee Xisbiga Waddani

Qodobadaas oo ka soo horjeeday midninada umada Jamhuuriyada Somaliland
Shirkaasna Waxa ka soo baxay godobadan hoos ku qoran:-

1) Salaadiinta Cugaasha iyo Waxgaradka Beelaha Garxajis ee Samataliska ahi waxaay ka raali gelinayaan umada Reer somaliland godabadii ay soo saareen Gudida Waddani iyagoo adeegsanaya magaca Garxajis ee ay kaga soo horjeedeen xal u raadinta dagaalka sokeeye ee ka soda magaalada Laascaanood.

2) Shirku wuxuu u cadaaynayaa shacabka reer Somaliland in aanay Gudidaasi ku metelin Beelaha Garxajis godobada ay soo saareen.

3) Dadweynaha ku Abtirsada Beelaha Garxajis dagaalka ka socda Laascaanood, waxay kala mid yihiin Umada Jamhuuriyada Somaliland iyo cid kasta oo nabada jecel sidoo kale waxay garab taagan yihiin cid kasta oo ku hawlan sidii loo joojin lahaa dagaalkaas nabad buuxana loogu soo dabaali lahaa Laascaanood.

4) Waxaanu shacabka iyo cid kasta oo danaynaysa nabada gobolkaas u Xaqiijinaynaa inaanu gayb ka nahay ergada nabada ee ka kooban madaxdhaqameedka Jamhuuriyada Somaliland, ee isu xilgaamay dariiqo kasta oo dagaalkaasi ku istaagayo.

5) Waxaanu shacbiga iyo Dawlada Somaliland Cod dheer ugu sheegaynaa in gudidaasi, aanay ahayn Guddi Beelaha Garxajis leeyahay, balse ay yihiin taageerayaasha Xisbiga Waddani sidaa awgeed wixii gef iyo meel ka dhac ka yimaada Eedoodaa waxa dusha loo saarayaa Xisbiga Waddani, maadaama Siyaasiyiinta xisbiga Waddani u yeedhiyaan wixii ay soo saarayaan.

Ugu danbayn Salaadiinta Cuqaasha yo Waxgaradkani waxay Tacsi u dirayaan intii ku dhimatay dagaalkaas, waxayna u ducaaynayaan inta dhaawacu ka soo gaadhay Rabi ha u booga dhayo Aamiin Aamiin,

Waxay guul u rajaaynayaan Ergada isu xilgaantay xal u helida nabaadaas, oo ay qayb ka yihiin Beelaha Garxajis, waxayna Alle uga baryayaan inuu u sakhiro nabada.

Salaadinta Cugaasha yo Waxgaradka Samatalis Ee Beelaha Garxajis
Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargaysa.

….Dhamaad…..