“Garaadadayda waxan ka codsanayaa in maanta caqligooda lagu kala baxo”Xildhibaan Barkhad

0
125

“Garaadadayda waxan ka codsanayaa in maanta caqligooda lagu kala baxo”Xildhibaan Barkhad Batuun.

Hargeysa -Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, ayaa garaadada Laascaanood ku sugan, ka codsaday in ay nabada qaataan, isaga oo sheegay in xukuumaddu dab shidayso.

Xildhibaan Batuun ayaa garaadada ka codsaday in caqligooda iyo cilmigooda lagu kala bad baado.

Waxaanu yidhi. “Waxan codsanayaa in maanta caqligiina iyo cilmigiina, aad ku bad baadisaan dalka iyo dadka, in aydun calanka nabada qaadataan, waxan qirsanahay in aad tihiid dad ku suntan halgan iyo gobonimo”.

Waxa uu sheegay in xukuumaddu ay sidato dab ololaya, oo ay doonaysay in ay Boorama ku gubto, balse reer Boorama fahmeen, markii danbena ay Burco iyo Sanaag la tagtay, kadibna ay Hargeysa keentay oo ay dad badan ku laysay, kadibna ay gaysay Sool.

Waxa uu sheegay in dhibaatada xukuumadda Muuse Biixi u gaysatay Somaliland aanay ahayn dhib Laascaanood oo kali ah ku kooban, balse ay tahay dhibaato gaadhay shacabka Somaliland oodhan, isla markaana ay luntay aaminadii lagu qabay xukuumadu.

Waxaanu yidhi.”Ugu danbayn, waxan garaadadayda sharafta leh ka codsanayaa in maanta caqligooda lagu kala baxo caqligii xukuumada waa lagu kala bixi waayee”.