Weriye Sayid oo Xaaladiisa Caafimaad Sii Cuslaatay iyo Cawad oo Gaadhay

0
191

Weriye Sayid oo Xaaladiisa Caafimaad Sii Cuslaatay iyo Cawad oo Gaadha
……………………………………………………..
Sayid ayaan ilaa Hada Ka Bixin Koomadii uu Galay Todobaad Ka Hor , Dhakhaatiirta ayaana Dedaalkooda Wadda, Xaalada uu Ku Jiraana Waa Mid uu Ilaahay uun Wax Ka Qaban Karro

Safiirka Somaliland Ee Itoobiya Danjire Maxamed A. Maxamuud (Cawad) ayaa Geestiisa Maanta oo ay Taariikhdu ahayd 19ka Octoober Booqday Cusbitaalka uu Yaalo Weriye Sayid oo Muddo 7aad ah Yaalay Hosbitalka Washington Ee Magaalada Addis Ababa oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay

Danjire Cawad ayaa u Duceeyay Weriye Sayid isaga oo La Kulmay Qoyska iyo Asxaabta Sayid ee Cisbitaalka Ku Sugnaa

Waxa Xusid Mudan in ay Safaaradu Somaliland Itoobiya Fududaysay Socdaalkii Dhinaca Cirka Ee Sayid Lagu Gaadhsiiyay Cusbitaalka Addis

Dadka Reer Somaliland Ee Ku Sugan Magaalada Addisababa ayaa Mar Walba Soo Booqda Cusbitaalka uu ICU giisa Yaalo iyaga oo Ilaahay u Baryaya Caafimaadna u Rajeynaya

Weriye Sayid ayay Xaaladiisa Caafimaad Sii Cuslaatay Waxaana Ummadda Muslimiinta Laga Codsanayaa in ay u Duceeyaan Weriyaha