Waxaan idinka baranay runtii sida la’isku kaashado ee caddawga la isaga dhiciyo” Raysal wasaaraha Soomaaliya.

0
156

“Waxaan idinka baranay runtii sida la’isku kaashado ee caddawga la isaga dhiciyo”, Xamse Cabdi Barre, Raysal wasaaraha Soomaaliya

Munaasibad casho sharaf ah oo lagusoo dhawaynayo wafdiga uu hoggaaminayo Raysal wasaaraha xukuumadda fadaraalka Soomaalia, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qabsoontay xarunta madaxtooyada DDS.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in lasii xooojinayo iskaashiga ka dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya gaar ahaan walaalaha kunool deegaanka soomaalida iyo Soomaaliya oo xudduud dheer wadaaga.

Raysal wasaaraha xukuumadda fadaraalka Soomaaliya ayaa boggaadiyay nabadgelyada iyo xasiloonida ka jirta deegaanka Soomaalida oo uu ku tilmaamay mid muddan in allah Swt lagu mahadiyo. Raysal wasaarahu waxa uu sida oo kale boggaadiyay sida shacabka deegaanku isugu kaashadeen caddowga argagixisada Al-shabaab ee ay waliba uga guulayteen taasi oo tusaale wanaagsan oo ay ku daydaan unoqotay shacabka Soomaaliya.