Dawlaad Degaanka Somalida oo ka hadlay Xaaladda Sicir Bararka

0
122
  1. Dawlaad Degaanka Somalida oo ka hadlay Xaaladda Sicir Barark

Wasiirka xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka mudane Maxamed Cali Kunaay oo uga warbixiyay Xafiiska Warfaafinta DDS xaalada guud ee sicir bararka iyo dadalada lagu xakamaynayo heerka ay marayaan ayaa tilmaamay in daddaal xooggan ugu jiraan xukuumad ahaan iyo xafiis ahaanba sidii loo xakamayn lahaa loona yarayn lahaa saamaynta sicir bararka, waqti dhawna is badal laga dareemi doono suuqa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in xukuumada iyo xafiisku si wada jir ah dadaal ugu galeen in la sameeyo Shirkado soo dajiya waxyaabaha nolosha asaasiga u ah dawladuna taageerto
In lagu wacyi galinayo bulshada deegaanka dhanka beeraha iyo wax soosaaraka, Xawaladaha sharci darada ah iyo cid kasta oo ka shaqaynaysa khal-khal galinta suuqa sarifka
dabagal adagna lagu sameeyo talaabana laga qaado Shirkadaha raashinka udhoofinaya deegaanada kale iyadoo shacabka deegaanku ubaahanyahay iyo cidkasta oo baal marta nidaamka sharciga ah in talaabo laga qaado lana xoojiyo kulamada lala yeelanayo wadamada Dariska ah ee wax inooga soo dago.

Waxaa sii doo kale uu tilmaamqy in habacsanaan badani ka jirtay dhanka daba-galka isla xisaabtanka taasna uu xafiisku hada go’aan adag ka qaatay meel kastana lagu qoray kooxo dabagal ah oo u kuurgala xaalada bulshada waqti dhawna laga dareemi doonano suuqa is badal sida la rajaynayo .

Gabo-gabadii Wasiirka oo shacabka fariin udiray ayaa sheegay in loo baahanyahay in shacabkeenu yareeyaan intay awoodaan isticmaalka cuntada dibada, xoogana saaraan cuntooyinka wadaniga ah ee dalka gudihiisa ka soo go’a, ganacsataduna shacabka u turaan oo ay ka baxaan fikirka ku salaysan maalin taajirka oo ay hoos ufiiriyaan danyarta iyo masaakinta, sidoo kale loo bahanyahah in bulshadu qaab nololeedka iyo isticmaalka kharashaadka dib u eegaan.

Xafiiska warfaafinta DDS.