Doodda Xisbiyada, Dareenka Urrurada, Deexda Siyaasiga Iyo Daneeyayaasha Doorashada:- Faallo.

0
172

Doodda Xisbiyada, Dareenka Urrurada, Deexda Siyaasiga Iyo Daneeyayaasha Doorashada:- Faallo

Waxan in yar oo hor-dhac faallo ah ka bixinayaa xaallada siyaasadeed ee dalka oo ay hogaaminayaan xukuumada tallada dalka xisbigeeda, Asxaabta qaranka iyo walliba urrurada hada ooda laga soo qaadey, Tani oo keentay muran iyo is-mariwaa aragtiyeed oo dhinacyada ah.

Doodani waxay daaran tahay mid sharci sidaa awgeed halkan waxa aan idin kulla waddaagayaa, Saadaalin waxa laga filan karo. Ugu horeyn marka laga yimaado guddidii dhex-dhexaadinta yaga ayaa si toosa isku hor-fadhiistay, Hadaba ifafaallaha ay lee dahay waxa ka soo muuqda meeshan waafiqida sharciyada iyo xeerarka oo ay xukuumadu adeegsan doonto.

Waxaana furmaya urrurada sida ka muuqata tallaabooyinka hada socda, Taasina waxa xigi doona iney urruradu si sax ah u tartamaan yada oo la filayo saddexda xisbi ee imika jiraaba iney saaxada ka wada baxaan oo ay wada hadhaan, Xukuumaduna mid soo baxay isugu biyo-shubato.

Dhinaca kale waxa yadna meesha ka baxaya dareenada siyaasiyiintuna soo gudbinayaan iney meesha ka baxayaan saddexda xisbi ee “Beesha Dhexe”, Halkaasina uu soo galli karo xisbi saddexaad oo beellaha darif-yadu lee yihiin taasina waa qurux iyo qiimo Somaliland u soo kordhey.

Hadii ay timaado Doorasho in laga wada hadlo urrurada ka dib waxa dhici karta in xukuumadu ay ku calool-adeygto qabashada doorashada walliba yadoo u qabaneysa Xisbiyadii soo gudbay ee urrurada ka soo dhex baxey, Yadoo la danaynayo qodobadan hoos ku xusan.

  • Nidaamka doorashooyinka ee dunida aan wax ka rabnaa indha-indheynayso

-Yadoo lagu dajinayo tabashada dad reer Somaliland ah oo xagal-daac tirsanaya oo u dhaw iney dalka Madaxweyne ka noqdaan yaga oo xukuumadu gacan siinayso.

-Iyo taariikh cusub oo uu kaga tagayo Madaxweynaha hada tallada haya oo baddallaya jidaha iyo jaan-goynta kursiga lagu yimaado.

Qanaacada axsaabtani waxay ku biyo-cabayaan iney wakhtigoodii soo qaateen oo ay qaranka u tudhaan, Waxay tabanayaana hadii ay tahay in ay kursiga fuullaana in loo yeello, Oo shax lala dhigo Laguna soo ciyaarsiiyo wallaalkood oo la wado ka dibna sidaa hawshaasi ku dhamaato, Tani waa liqida midhaha qadhaadh ee axsaabta.

Dhinaca xukuumada iyo aragtideeda waxay aad u danaynaysaa furitaanka urrurada iney Biyo-kama-dhibcaan tahay, Oo aan laga fur-fureyn qodobkaasi wixii kalese ay ogoshay Xukuumadu, Geesta mucaaridka waxa war-war fara-badan ka muuqdaa axsaabtu iney waayaan mansabkooda iyo miisaankooda loolan ee axsaab-nimo yadoo ay daliil u tahay iney qaarkood saacadan Amizom iyo Soomaalliya xidhiidhaan, Meellahani oo aaney Somaliland waxba ka dhaxeyn ayna tahay meellaha lagaga badiyey mucaaridka.

Fiiro-gaar ah:-Waa saaddaall aragti waayo-arag-nimo Siyaasiya ku dheehan oo aanan cidna ku matallin.

Faallo:- Cabdiraxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Fallan-qeeye iyo Faaqide Amuurraha Caallamiyeysan iyo kuwa degellka ahba.

Hydrapad India