Ra’iisulwasaare Oo sheegay in miisaaniyadda sannadka 2015-ka t.i ahmiyad la siin doono 6 arrimood.

0
364

Ra’iisulwasaare Dr. Abiyi Axmad ayaa sheegay in miisaaniyadda sannadka 2015-ka t.i ahmiyad la siin doono 6 arrimood.

6-da arrimood ayaa kala ah: dhimista daynta, dhimista kala duwanaanshaha miisaaniyadda, in si nidaamsan loo isticmaalo kheyraadka uu dalku haysto, dajinta sicir-bararka, dib-u-dajinta, gargaarka bini’aadantinnimo amase mucaawinada iyo ilaalinta ammaanka dalka.

Ra’iisulwasaraha ayaa Golaha Wakiillada Shacabka u faahfaahiyay in haddii an saddexdii sano ee lasoo dhaafay xoogga la saari lahayn dajinta sicir-bararka ay abuurmi lahayd xaalad tan hadda taagan ka sii adag.

Sida oo kale, ra’iisul-wasaaraha ayaa sheegay in ahmiyad la siin doono in mashaariicda lagu soo gabo’gabeeyo wakhtigii loogu talo’galay.

SRTV Somali