Muxuu Salka Ku Hayaa Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya

0
214

 

Xukuumaddaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa ku heshiiyay in qiimaha qaadka iyo khudaarta lagu celiyo sidoodii hore, waxa kale oo ay ka wadahadleen dekedda Berbera balse war rasmi ah kama soo saarin.

Wafti ay horkacayeen Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, mudane Redwan Hussien, oo safar aan la shaacin Hargeysa ku yimid Arbacadii, ayaa xukuumadda Somaliland kala heshiiyay qiimaha qaadka iyo khudaarta.

“Somaliland iyo Itoobiya waxa ay aqoonsadeen muhiimada uu leeyahay xidhiidhkii dheeraa ee soojireenka ahaa, ee labada dbinac ka dhexeeyay, in dib loo celiyo qiimihii qaad iyo khudaarta ee horay loo dajiyay, in la sameeyo guddi farsamo oo ka hortagta dhibatooyinkaas oo kale”Ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud.

Sida uu sheegay wasiir Kayd waxa kale oo ay dhinacyadu ku heshiiyeen, in la joogteeyo heshiisyadii ganacsiga iyo gaadiidka ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland, inkasta oo aanu wasiirku faafaahin badan ka bixin waxa laga yeelayo dekedda Berbera, isaga oo sheegay in lasii wadayo heshiisyo hore oo aanu carabaabin.

“Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in lasii wado heshiisyadii bayacmushtarka, gaadiidka iyo arrinka Dekedda Berbera, oo ku salaysan heshiisyo hore ama wadahadalo hore oo hore u dhacay in halkaa laga sii wado” ayuu yidhi wasiir Kayd.

Ganacsatada qaadka ee Somaliland, ayaa 26 Juun sheegay in ay joojinayaan qaadka Itoobiya isla markaana u leexanayaan Yemen iyo Kenya, kadib markii Itoobiya ay kordhisay qiimaha qaaadka.

Qiimaha qaadka ee la kordhiyay ayaay Itoobiya joojin doonta heshiiskan kadib.