Kooxda Dawladda Hoose Ee Caasimadda Hargeysa Oo Si Weyn Uga Adeegatay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda ee Somaliland

0
762

Kooxda Dawladda Hoose Ee Caasimadda Hargeysa Oo Si Weyn Uga Adeegatay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda ee Somaliland

Kooxda Kubadda Cagta ee ku ciyaarta magaca dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa si weyn uga adeegatay suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda ee Somaliland, xilli la isu ciyaarinayo bilowga Tartanka Kooxaha Heerka koowaad iyo Labaad ee dalka.

Kooxda Dawladda hoose ee Hargeysa oo ay hore u joogeen qaar ka mid ah Ciyaaryahannada waaweyn ee Caasimadda ka ciyaara, sida Maxamuud Konfinde, Khadiir Mustafe, Ayaanle Isqaniin iyo Ciyaaryahanno kale, ayaa waxa ay mar kale soo xero geliyeen Ciyaaryahanno kale oo magac leh, kuwaas oo ku soo shaac baxay tartankii Gobollada Somaliland.

Kooxda Dawladda Hoose ee Hargeysa Ciyaaryahannada ay Khasnad u jabiyeen, si ay Kooxdooda ugu xoojiyaan, waxa ka mid ah Xamse CR, Mahad Nayl, Sallo iyo qaar kale.

Tartanka Kubadda Cagta ee Kooxaha heerka koowaad, ayaa la filayaa in ay bilowdaan horaanta bisha soo socota, iyada oo maalintii shalay la soo saaray isku aadka kooxaha.

Wargeyska Saxansaxo