Home Blog Page 323

Xildhibaano Sheegay Inay Mudaharaadka Hogaamin Doonana, Bileyskana U Digay

0

Inka Badan 20 Xildhibaan oo ka Tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Digniin Kama Danbays ah u Diray Ciidamadda Booliska iyo Xukuumadda Madaxwayne Bixi iyagoo u Sheegay in “Hadii Ciidamadda Shacabka Rasaas u Adeeg lagala Xisaabtami Doono.

Dhamaan Xildhibanaddan ayaa Isku Raacay inay HogaaminDoonan Mudaharaadka, la Filayo inuu Maalmaha soo Socda Dhamaan Goboladda iyo Degmooyinka Somaliland ka Dhaco.

 

Jamaal Cali Xuseen oo ka Hadlay In Uu Ku Biiray Urur Siyaasadeedka Barwaaqo.

0

Jamaal Cali Xuseen oo ka Hadlay In Uu Ku Biiray Urur Siyaasadeedka Barwaaqo.

Akhriso Qoraalka uu soo saaray Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen
“Xafladihii Ururaddii cusbaa waxaan hore uga qayb galay Ururka Waaberi magaaladda Hargeysa. Maantana waxaa laygu soo casumay Daahfurka ururka Barwaaqo ee magaaladda Burco. Anigu kumaan biirin ururka Barwaaqo sida dadka qaar ay u qaateen ee waxa uu safarkaygani yahay mid dhiirigelin ah ururadda la furay iyo mid sahan Indho- indhayn ah. Inshallah wiigan waa inaan go’aan ka gaadhaa arrimaha siyaasadda aniga iyo taageerayaashayaddu in aanu urur cusub ku dhawaaqno iyo in aanu urur cid wada-yeelano Oo wada aasasno. Maadama masiirkii siyaasadda ee 14ka sanadood ee socda ay jaangoyntiisii hadda socoto noogu duceeya in uu Eebbe taladda na waafajiyo. Kheyr Baan idiin rajaynayaa” Sidaas Waxa Yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo Ka degay Magaalada Addis-Ababa.

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo Ka degay Magaalada Addis-Ababa.

Madaxweynaha waxa Caasimadiisa Baydhabo ka qaaday diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Militaryga Itoobbiya.

Shan sano kahor kanaal u furnaa Xasan Sheikh oo Mohamed Abdullahi Farmaajo soo xidhay ayaa haatan dib ugu furmay isla doonistiisa Xasan Sheikh ee 2016.