(68) “Reer Kaliya Iguma Filna Ee Gobolka Oo Dhan Ayaan U Baahanahay” Wasiir Saajin – YouTube
“Reer Kaliya Iguma Filna Ee Gobolka Oo Dhan Ayaan U Baahanahay” Wasiir Saajin
Wargeyska Caalamiga ah Weekly Dailly Oo Warbixin Ka adiyaariyey Somaliland
Wargeyska Caalamiga ah Weekly Dailly, ayaa War-bixin dheer ka qoray Somaliland, waxaanu si gaar ah diiradda u saaray Taariikhdeeda iyo dedaallada aqoonsi-raadinta ee heshiiska Itoobiya ka mid yahay.
Warbixintan oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa si faahfaahsan sawir uga bixisay doorka Somaliland ee gobolka iyo caalamka intiisa kale, waxayna si gaar ah diiradda u saartay xaqiiqooyin ku taxan habka hoggaamineed ee Madaxweyne Muuse Biixi.
“Geeska Afrika waxa ku yaal dal la yidhaahdo Somaliland, kaas oo isu diyaarinaya safar adag. Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah, nabad ah, oo dastuuri ah, waxayna ku faantaa guullo dimuqraadi ah. Dalka Somaliland waxa uu xuduud la wadaagaa Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warbixintaas.
Weekly Daily, ayaa ka warramay halgankii guulaystay ee SNM la gashay Taliskii Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya waxana lagu yidhi “Somaliland waxa ay dagaal la gashay taliskii kalitaliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya, iyada oo adeegsanaysa dhaqdhaqaaqii SNM. Sida muuqata, Madaxweynaha talada haya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kaalin mug leh ka qaatay guusha ururkaas. Sumcadda uu ku caan baxay ee ah in uu yahay qof aan tanaasulin oo u heellan gooni-isu-taagga Somaliland, waxa ay salka ku haysaa halgamaanimadiisii, isaga oo door laxaad leh ka qaatay difaaca halganka ballaadhan ee madax-bannaanida Somaliland.”
Wargeyska waxa kaloo uu intaas ku daray “Fahamka Somaliland laga haystaa waxa ay noqotay mid lama huraan ah oo aan waligeed laga maarmayn, iyadoo ay ku soo fool leedahay doorasho muhiim ah bishan November, natiijada ka soo baxdaa waxay qaabayn doontaa tubta kobaca & mustaqbalka Geeska Afrika. Tan iyo markii ay Somaliland la soo noqotay madax banaanideeda, waxa ay soo martay hal afti oo dastuuri ah, saddex doorasho madaxtooyo, laba doorasho baarlamaan iyo saddex doorasho oo dawladaha hoose ah. Waxaa ka tisqaaday kor u kaca kobaca dimuqraadiyadda.”
Wargeysku wuxuu sheegay in Somaliland saddex madaxweyne ay doorasho xor ah ku dooratay.
Warbixintu waxa ay tilmaantay in Somaliland samaysay kor u kac cajiib ah, iyadoo helin taageero dibadeed.
Warbixintu waxay isbarbar-dhigtay Somaliland iyo xaaladda dalalka Geeska Afrika “Baadhitaan taxadar leh ayaa daaha ka qaaday in waddamada jaarka la ah Somaliland ay ka jiraan dhibaatooyin bini’aadantinimo oo qoto dheer.
Heshiiska aqoonsiga ee Somaliland la gashay Itoobiya ayay War-bixintu si kooban uga warrantay, isagoo wargeysku yidhi “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa heshiis taariikhi ah kala saxeexday January 1, 2024, inkasta oo aan weli la ansixin, haddana waxa uu dhigayaa in Itoobiya ay keddin ka hesho badda, taas beddelkeedana ay JSL aqoonsi ka hesho Itoobiya, taasi oo tallaabo geesinimo.”
Warsiduhu wuxuu ka hadlay sida dalalka jaarka la ah Somaliland qaarkeed uga soo horjeesteen heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu tilmaamay in madaxweynaha Somaliland u adkaystay caqabadaha ka soo yeedhayay dalal badan.
Waxa kaloo uu ku tilmaamay wargeysku madaxweyne Muuse Biixi hoggaamiye hal adag oo adkaysi u leh danaha dalkiisa.
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shacabka reer Berbera kala qaybgalay Dhoollatus Ballaadhan oo ay ku muujinayaan maalinta koowaad ee Ololaha KULMIYE.
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shacabka reer Berbera kala qaybgalay Dhoollatus Ballaadhan oo ay ku muujinayaan maalinta koowaad ee Ololaha KULMIYE
Berbera-28-10-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay isu soo bax ballaadhan oo ay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmada Berbera kusoo bandhigeen taageerada iyo cududda ay u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE.
Fagaaraha khayriyada 18-ka ee magaalada Berbera, ayey isugu soo baxeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo ku lebbisan astaanta xisbiga KULMIYE, waxana hoggaaminayey madaxda xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan degmada Berbera, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo haldoor kale, iyaga oo halkaas kusoo dhaweeyey madaxweyne Muuse Biixi oo kasoo socdaalay magaalada Burco oo uu kaga qaybgalay isu soo baxii maanta ee taageerayaasha KULMIYE.
Qaar kamid ah guddida ololaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil, xildhibaanno katirsan golaha wakiillada, wasiirro, madaxda dekedda Berbera, cuqaal iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa bulshada reer Berbera uga mahadnaqay sida milgaha iyo xamaasadda leh ee ay u muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE, maalinta koowaad ee ololaha, waxana ay ugu baaqeen inay maalinta codaynta si hubsiimo leh codkooda ugu hubsadaan oo aanay fursadda codaynta luminnin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay shacabka reer Berbera, ayaa uga mahadnaqay taageerada laxaadka leh ee ay muujiyeen xisbiga uu murrashaxa u yahay ee KULMIYE, waxana uu si qoto dheer uga horumarka ballaadhan ee ka taabbo galay guud ahaan magaalada Berbera iyo marsadeeda caalamiga ahba, waxana uu tilmaamay in xukuumadda KULMIYE ku guulaysatay in caalamka oo dhammi maanta kusoo hirto dekedda Berbera.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu taageerayaasha da’da yar ee xisbiga KULMIYE iyo guud ahaanba bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay xilligan xaasaasiga ah ka taxaddaraan wax kasta oo wiiqaya amniga iyo wada-jirka Bulshada, kuna dedaalaan inay ilbaxnimo leh uga qayb qaataan ololaha.
Wa-bilaaqhi Tawfiiq
Guddida Anshaxa Komishanka Doorashooyinka Oo U Digay Xisbiyada Iyo Ururrada
Gudiga Anshaxa,Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka JSL ayaa maanta ugu baaqay Xisbiyada Qaranka iyo Urarada Siyaasada in Dhawraan Xeerarka Doorashooyinka
Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Kulan La Qaatay Taliye Qaybeedyada Iyo Badhasabada Gabiley Iyo Awdal
Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa kulan la qaatay Talisyada Qaybaha Ciidanka Booliska ee Goballada Awdal iyo Gabilay, halkaas oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda nabadgelyada , Taliyayaasha Qaybaha iyo saraakiisha ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay xaalada amniga ee labada Gobal.
Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi wuxuu ku booriyay in ciidamadu si wadajir ah uga shaqeeyaan xasiloonida gobollada , gaar ahaan inta lagu guda jiro ololaha doorashada, si looga fogaado wax kasta oo khalkhal galin kara amniga. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda iskaashiga bulshada iyo ciidamada si loo xaqiijiyo in doorashadu dhacdo si nabad ah.
Dhanka kale, Taliyaha ayaa kulan la qaatay Badhasaabka Gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi , waxaana ay iska waraysteen xaaladda nabadgelyada ee gobolka, iyagoo isla soo qaatay qorsheyaal kor loogu qaadayo amniga iyo xasiloonida gobolka.
Ugu dambeyn Taliyuhu wuxuu saraakiisha kula dardaarmay in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda iyo in ay si hufan ugu adeegaan xisbiyada iyo ururada qaranka , muddada Ololaha doorashada , madaamo Boolisku dhex u yahay dhammaantood.
Warbaahinta Ciidanka booliska jsl
Deg deg Madaxweynaha Somaliland Oo Hadda War Kasoo Saaray Laba Arrimood
Deg deg Madaxweynaha Somaliland Oo Hadda War Kasoo Saaray Laba Arrimood
Wareegtooyin Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caawa oo ay taariikhdu tahay 18/10/2024 uu soo saaray saddex wareegto oo la xidhiidha isticmaalka hantida Qaranka, Warbaahinta Dawladda iyo Fagaarayaasha Ololaha, Reebbanaanta Adeegsiga Hantida Danta Guud, Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada Qalabka-sida iyo Gacan-siinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka waqtiga lagu jiro ololaha doorashada Madaxtooyada iyo ururada Siyaasadda ee u muddaysan 13-ka bisha November ee soo socota.
Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegtada Koowaad
Ku: Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ujeeddo: Isticmaalka War-baahinta Dawladda iyo Fagaarayaasha Ololaha
Sida aad la socotaan, dalka waxa ku soo fool leh doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka oo qorshaysan 13-ka November 2024.
Sidaa darteed, aniga oo cuskanaya Qodobka 31aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2023, waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka in Xisbigyada Qaranka iyo Ururada Siyaasaddu u sinnaadaan War-baahinta Dawladda ee kala duwan iyo baahinta wararka muddada ololaha doorashooyinka innagu soo foolka leh.
Sidoo kale, waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuridda Somaliland in loo sinnaado isticmaalka fagaarayaasha ololaha muddada ololaha doorashooyinka, isla markaana la sugo ammaanka shacabka iyo masuuliyiinta Axsaabta Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan fagaarayaasha ololaha.
Wareegtada Labaad
Ku: Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dawladda
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ujeeddo: Reebbanaanta Adeegsiga Hantida Danta Guud, Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada Qalabka-sida
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, dalka waxa ku soo fool leh doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka ee qorshaysan 13-ka November 2024.
Sidaa darteed, aniga oo cuskanaya Qodobka 101aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2023, waxa reebban in Hantida Danta Guud ee Qaranka nooc kasta oo ay tahay loo adeegsado Ololaha Doorashooyinka innagu soo foolka leh.
Sidoo kale, waxa reebban in shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada kala duwan ee Qalabka-sidaa ay ku lug-yeeshaan, kana qayb-galaan ololaha Doorashooyinka qorshaysan 13-ka November 2024.
Cid kasta oo baal-marta awaamiirtaasi, waxa aan farayaa masuuliyiinta u xil-saaran in ay ka qaadaan tallaabo sharciga waafaqsan.
Wareegtada Saddexaad
Ku: Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dawladda
Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ujeeddo: Gacan-siinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, dalka waxa ku soo fool leh doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka ee qorshaysan 13-ka November 2024.
Sidaa darteed, idinka oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda aad Qaranka u haysaan, waxa aan idin farayaa in aad gacan ku siisaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland gudashada waajibaadkooda Qaran ee qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka, idinka oo raacaya shuruucda iyo xeerarka dalka.
Waxa aan si gaar ah u farayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida ee Jamhuuriyadda Somaliland in ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka ku gacan siiyaan sugidda amniga muddada ay socdaan ololaha iyo doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Madaxweynaha Somaliland oo xadhigga ka jaray Riig cusub oo ay soo iibsatay wakaallada Biyaha Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland oo xadhigga ka jaray Riig cusub oo ay soo iibsatay wakaallada Biyaha Hargeysa.
Munaasibadda xadhig ka Jarka riiggan oo lagu qabtay xarunta wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maamulka wakaaladda biyaha, ganacsato, madax-dhaqameed iyo martisharaf kale, iyada oo halkaas laga jeediyey hadallo lagu ammaanayo waxqabadka wakaallada iyo horumarka ballaadhan ee ay soo kordhisay.
Ugu horrayn, maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa. Md Maxamed Cali Daarood oo hadalka ibo-furay, ayaa sharraxay Riigga cusub ee ay wakaaladdu soo iibsatay iyo sida uu Meesha uga saaray ku tiirsanaantii wakaaladda ee riigagga gaarka loo lahaa, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu riiggani awood u leeyahay inuu ceel dhererkiisu yahay 600 Mitir, kuna kacay dhaqaale lacageed oo gaadhaya $500’000.
Xubno ku hadlay Afka dadweynaha ka faa’iidaystay wejiga labaad ee biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay heleen biyo nadiif ah oo ay cabbaan, islamarkaana ka raysteen biyihii Booyadaha ee helitaankoodu adkaa, kharashkooduna badnaa.
Wasiirrada wasaaradaha xannaanada Xoolaha iyo horumarinta reer Miyiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa soo dhaweeyey horumarinka ay ku tallaabsatay wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxana ay maamulka wakaaladda usoo jeediyeen inay dedaalkooda sii wadaan.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo Afmeeray, ayaa maamulka iyo shaqaalaha wakaaladda Biyaha ku ammaanay waxqabadka ballaadhan ee ay hirgeliyeen, waxana uu ugu baaqay inay horumarka weyn ee ay hirgeliyeen sii ambo qaadaan.
Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shahaado-sharafyo lagu maamuusayo guddoonsiiyey qaar kamid ah madaxda iyo shaqaalaha wakaaladda Biyaha Hargeysa, kuwaas oo muujiyey dedaal iyo waxqabad badan muddadii ay shaqaynayeen.
War Kasoo Baxay Shirkadda Dahabshiil
Dahabshiil waa shirkad Caalami ah sida Fly Dubai , Fly Ethiopian iyo Turkish airline oo kale , Waxayna ka shaqaysa in ka badan 120 dal oo caalamka ah.
Dahabshiil waxa laga aasasay Magaalada Burco ee Jamhuuriyada Somaliland dabadeed waxay ku fiday daafaha Adduunka oo dhan iyagoo u hoogansama kuna shaqeeya dhamaan shuruucda Caalamiga ah.
Itoobiya oo Maraykanka kala hadashay walaaca ay ka qabto ciidamada beddelaya howlgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS.
Itoobiya oo Maraykanka kala hadashay walaaca ay ka qabto ciidamada beddelaya howlgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS
Xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wali taagan iyadoo wadahadallada loo ballansan yahay wareeggii 3aad in dhawaan la isugu yimaado dalka Turkiga.
Khilaafka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yimid ka dib markii billowgii sanadkan ay Addis Ababa heshiis is af garad ah la saxiixatay Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, taas oo ay dowladda federalka Soomaaliya si weyn uga hortimid, muddo yar ka dibna ay heshiis amni iyo mid difaac la gashay dalka Masar.
Khilaafka ayaa sii xoogaystay ka dib markii diyaarado ciidan oo ay leedahay dowladda Masar ay ka degeen magaalada Muqdisho sida ilo u waramay wakaaladda wararka ee Reuters ay u sheegeen inay taageero militari geeyeen Muqdisho.
Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi amni xilli uusii xooggaysanayey khilaafka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya ay dhistay ee Wabiga Niil.
Follow gareyso Bulaale Media
Xisbiyada Iyo Ururrada Doorashada Geliya Oo La Shaaciyey.
Xisbiyada Iyo Ururrada Doorashada Geliya Oo La Shaaciyey.
Koomishanka Doorashooyinka Somaliland oo shaaciyey Liiska Ururrada/Xisbiyada Kama-dambaysta ah ee ka qaybgalaya doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka ee 13 November 2024
“Labadan xisbi 14 sanno ayay dalka Xukumayeen ma maanta caqli kusoo dagayaa..,”
“Labadan Xisbi way ina soo mareen ma dib ayay u dhalanayaan..,”
“Waan bogaadinayaa, Reer Gedo, Reer Baydhabo, Reer Puntland, waxaan leeyahay..”
“Labadan xisbi 14 sanno ayay dalka Xukumayeen ma maanta caqli kusoo dagayaa..,”
Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Barnaamij-yada Siyaasadeed ee WADDANI iyo KULMIYE soo bandhigeen.