Itoobiya Airlines Oo joojisay Isticmaalka Hawada lagu Muran San yahay….

0
36

Itoobiya Airlines Oo joojisay Isticmaalka Hawada lagu Muran San yahay….

War aan hadda hellay ayaa tibaaxaya in diyaaradda Ethiopia Airlines ay gabi ahaanba joojisay inay diyaaradaheedu dul maraan hawada lagu muransanyahay ee Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Waxay sidoo kale diyaaradda Ethiopia Airlines joojisay lacagtii khidmadda ahayd ee looga qaadayay inay dul marto hawada Soomaalida

 

Qoraal saaka ay diyaaradda Ethiopia Airlines u kala dirtay dallada ay ku midoobeen diyaaradaha rayidka ah ee adduunka ee loo yaqaano IATA iyo haayadda u qaabilsan qaramada midoobay maamulista duulimaadyada ee ICAO, isla markaana ay ku ogaysiisay Ethiopia Airlines duuliyayaasheeda, ayaa lagu sheegay inay joojisay 14 kii duulimaad ee Ethiopia Airlines ee hawada Soomaalida dul mari jiray, isla markaana ay u leexisay dhinaca dalka Jibouti.

 

Qoraalka waxaa lagu yidhi “waxaan idinku wargelinayna is badal aanu ku samaynay jadwalka duulimaadyada Ethiopia Airlines, iyo anagoo joojinay isticmaalka hawada Soomaaliya, ka dib markii duuliyayaashayadu ay kala kulmeen hawada Soomaaliya xogo is khilaafsan iyo carqalado joogto ah, sida darteed anagoo ka duulayn fayo-dhawrka iyo ammaanka rayidka ah ee aanu wadno, waxaanu go’aansanay inaanu ka leexan duulimaadyada 14 ka ah ee hoos ku xusan hawada Soomaaliya (ka eeg qoraalka ku lifaaqan liiska 14 duulimaad)

 

Qoraalka oo Ethiopia sii wado waxay ku tidhi “waxaanu idinka codsanayna inaad joojisaan dhammaan kharashkii lacageed ee aanu ku bixinaynay dul marista hawada Soomaaliya” ayaa lagu soo gebo-gebeeyay qoraalka

 

Waxaan sidoo kale ka war hellay in dhammaan duulimaadyada Ethiopia Airlines loo leexiyag y dhinaca dalka Jibouti inay dul maraan.

 

Joojintani saamayn mayso duulimaadyadii diyaaradda Ethiopia Airlines ay ku iman jirtay Hargeysa iyo Muqdisho.

 

Sahan Tv