Madaxweyne Xogeenka Iyo Xildhibaanada Awdal Oo Qaadacay Xeerarka Doorashooyinka

0
49

Qaar ka mida xubnaha Golaha xukuumadda Somaliland oo ku metela gobolka Awdal iyo qaar ka mida xildhibaannada labada Gole ayaa sheegay in ay qaaddeceen xeerkii doorashada isa saarka ah ee maanta ay ansixiyeen Golaha Guurtida Somaliland.

 

Xubnahan oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylaci ayaa shaaca ka qaaday in uu xeerkaasi yahay mid ka hor imanaya danaha reer Awdal taa darteedna aanay marnaba aqbali doonin.

 

Xeerkan oo maanta ka soo gudbay Golaha Guurtida ayaa la rajanayaa in ay dharaarta berrita ah ansixiyaan Golaha Wakiilada Somaliland isaga oo intaa ka dibna u gudbi doona aqalka Madaxtooyada.