Israaiil Oo Maydka Iyo Dhaawaca Kala Guran Kari La’ ka dib jab Xoogan Oo Gaadhay

0
20

UPDATE: Sida laga soo xigtay Hay’adda Warbaahinta Israa’iil; “Ciidanka Israa’iil waxaa lagu qaaday weerar gaadmo ah oo ballaaran xalay oo ka dhacay koonfur-bari ee Khan Yunis.”

 

Ciidanka waxaa saacado ku qaadatay inay daabulaan meydadka iyo dhaawaca waxaa laga yaabaa inuu ka soo baxo bayaan sharraxaad ah oo ku saabsan wixii ku dhacay askarta , saacado ka dib. Waxa laga hadlayaa dilka 20 askari iyo dhaawaca tobanneeyo kale.

 

Maxaa xigay;

 

Israa’iil waxay qaaday weerar u muuqday inay uga jawaabayso khasaaraha ka soo gaaray Khan Yunis, iyagoo cir iyo bad ku weerarray Rafah, oo ku dhowaad hal milyan iyo bar barakacayaal Falastiiniyiin ah ay ku suganyihiin, hadda dhimashada waxay maraysa 63 ruux oo carruur iyo haween u badan , tiro ka badana waa ay ku dhaawacantay.