Mareykanka iyo Midowga Yurub , waxay qorsheynayaan inay mamnuucaan Waraysi Puntin Laga Qaaday

0
48

UPDATE: Mareykanka iyo Midowga Yurub , waxay qorsheynayaan inay mamnuucaan waraysiga uu Putin ka qaaday Tucker Carlson , oo ah wariye Mareykan ah oo dhaleeceeya siyaasadda galbeedka iyo saxaafadooda. Waxaa jira kuwa kale oo dalbanaya in la xiro ama laga joojiyo Mareykanka inuu ku laabto Carlson, iyagoo ku caleemadeenaya dambiile dagaal.

 

Waraysiga ayaa la qaaday Talaadadii, wuxuuna noqday waraysigii u horreyay oo suxufi reer galbeed ah la yeesho Putin, tan iyo markii uu weerarray Ukraine. Diidmada xooggan waraysigan waxay bannaanka soo dhigaysa wax kale oo galbeedka ay sheegi jirin oo ah xorriyada hadalka iyo madax bannaani saxaafadeed, labadaba waa waxa ay iyaga doonayaan marka laga maqlo.

 

Waxaan idin soo aruuriyay saxafiyiinta kale ee loo yaqaan “dambiilayaasha dagaalka” kuwaas oo wareystay hoggaamiyayaal xilli ay ku jireen duullaan dagaal oo ay qaadeen;

 

•Barbara Walters ayaa wareysatay Fidel Castro xiligii dagaalkii qaboobaa.

 

•Walter Cronkite waxa uu la fadhiistay Anwar Sadat iyo Menachem Begin iyada oo ay jirto xiisadaha Bariga Dhexe.

 

•Oriana Fallaci ayaa su’aallo waydiisay Henry Kissinger xilligii dagaalkii Vietnam.

 

•Christiane Amanpour ayaa la hadashay Slobodan Milošević intii lagu jiray iskahorimaadyadii Balkans.

 

•Dan Rather ayaa waraystay Saddam Hussein ka hor dagaalkii Khaliijka.