Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo ka digay in saxafiyiinta la cabudhiyo

0
50

Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo ka digay in saxafiyiinta la cabudhiyo

Hargeysa, February, 5, 2024 – Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa cambaareeyay xadhiga qaar kamid ah wariyayaal dhawaan la xidhay.

 

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Shaafici Maxamed Ibraahin, oo warbaahinta la hadlay ayaa cambaareeyay xadhiga suxafiyiin uu kamidyahay Mulkilaha MMTV Maxamed Cabdi Ilig.

 

Waxaanu yidhi.”Waxaanu cambaaraynaynaa xadhiga Wariye Cabdiraxmaan Cige, oo 4 cisho ku xidhan magaalada Berbera, waxa kale oo aanu xusaynaa in Maxamed Cabdi Ilig uu muddo 29 cisho ah uu ku xidhanyahay magaalada Hargaysa”.

 

Waxa kale oo uu sheegay in wariye lagu magacaabo Shaafici Shaaciye, uu isna sheegay in uu Somaliland ka baxsaday kadib culaysyo uu sheegay in ay soo wajaheen.

 

Hoggaanka SOLJA waxa ay sheegeen in wariyayaasha la dacwayn karo sida muwaadiniinta kale, lakiin ay sharci daro tahay in si qaynuunka baal marsan loo beehsado oo warbaahinta loo cabsi galiyo.

 

Suxufi Maxamed Cabdi Ilig, ayaa xabsiga loo taxaabay muddo bil ku dhaw ah kahor, xili uu daadihinayay dood lagu falanqaynayay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

 

Askar ku weerartay xaruntiisa MMTV, ayaa sidookale xidhay laba wariye oo la shaqaynayay, iyaga oo burbur u gaystay xafiiskii doodu ka socotay iyo qaybo kamid ah qalabka warbaahintiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here