Iska Hor Imaad Sababay Dhimashada Hal Qof Iyo Dhaawaca Laba Askari Oo Hargsysa Ka Dhacay

0
54

#WARBIXIN :- Ciidamada Booliska JSL ayaa saaka ka hawlgalay shaqaaqo ka dhacday Masallaha Galbeed , halkaasi oo ahayd muran dhul iskuna haysteen laba reer , mid kamida dadkaasi meesha isku haystay waxay weerar kusoo qaadeen Ciidanka Booliska waxaanay ka dhaawaceen saddex Askari .

Dhanka kale , dadkii weerarka soo qaaday ayaa Ciidanku ka qabteen shan maxbuus iyo qoryahoodii , waxaana sidoo kale goobta ku geeriyooday hal qof oo shacaba .

 

Ciidanka Boolisku isagoo gudanaaya waajibaadkiisa wax uu la wareegay goobtii muranku ka jiray , haddana isaga ayaa gacanta ku haya amniga goobtaas.

 

Taliska Ciidanka Booliska JSL , wax uu bulshada u caddaynayaa cid kasta oo dagaal kala hortimaada Ciidamada Booliska ina uu tallaabo ka qaadi doono ku habboon , waxaanan u soo jeedinaynaa inay dadka caadaystay waxyaabahaasi inay ka waantoobaan.

 

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL

Call Center 999.