Weerarradii u dambeeyay ee kooxda Yemeniyiinta Oo Kordhiyey Weerarada

0
63

Weerarradii u dambeeyay ee kooxda Yemeniyiinta ayaa sare u qaaday walaaca adduunka ee badda cas, saacado ka hor illaa 22 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo tobannaan gantaal ayay Yemeniyiinta ku weerarreen maraakiibta Mareykanka . Howlgalka waxaa kalo ka qaybqaatay Ingiriiska.

 

Wasiirka difaaca Ingiriiska, wuxuu sheegay goor dhow in xaaladda badda cas aysan sidan ku sii jiri karin, mar hore wuxuu sheegay in la gudagalay saameynta burburka dhaqaale ee ka dhashay weerarrada Yemeniyiinta, taaso gaartay in qiimaha lagu rarayo halkii konteenar uu sare u kacay boqolkii toddobaatan.

 

Wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka oo warsaxaafadeed baahiseyna waxay sheegtay in weerarrada u dambeeyay ee Yemeniyiinta ay muujiyeen inay sii xumanayso xaaladda.

 

Dhanka, Yemeniyiinta oo baahiyay bayaan waxay sheegeen inay sii wadayaan weerarrada illaa laga joojinayo dagaalka Qasa, halka Ra’iisul wasaaraha Ciraaq uu u sheegay Mareykanka iyo xulafadiisa haddii la doonayo in xiisadda la dejiyo in marka hore la joojiyo dagaalka ka socda Qasa.

 

Iman jama