Tibor Nagy oo ugu Baaqay Soomaaliya inay ku Mashquusho Xasilinta Qaskeeda intay ka Qaylinayso Somaliland

0
51

Tibor Nagy oo ugu Baaqay Soomaaliya inay ku Mashquusho Xasilinta Qaskeeda intay ka Qaylinayso Somalilan

 

Hargeysa – Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda, isla markaana ahaan jiray Safiirkii Maraykanka u fadhiyay Addis Ababa, Tibor Nagy, ayaa ugu baaqay Soomaaliya inay ka soo dhalaasho qaska ka jira Dalkeeda inta ay ka qaylinayso is fahamka dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

 

Diblomaasigan ayaa sheegay in Soomaaliya ay u taallo inay furdaaminta dhibaatadeeda ku foognaato, inta aanay ka werwerin oo aanay dhiillo ka muujin dalalka deriskeeda ah.

 

Kaaliyihii hore ee Arrimaha dibadda Maraykanku wuxuu sidaas ku sheegay fariin uu ku baahiyay X (Twitter)-ka oo uu ugu jawaabayey Soomaaliya oo maanta qaracankii ay ka qaaday is fahamka Somaliland iyo Itoobiya jahowareer siyaasadeed ku dhacay.