Taliska Ciidanka Laanta Socdaalka oo laga Hirgeliyay Qalab lagu Hubinayo Baasaboorada iyo Fiisayaasha Been abuurka ah

0
66

Taliska Ciidanka Laanta Socdaalka oo laga Hirgeliyay Qalab lagu Hubinayo Baasaboorada iyo Fiisayaasha Been abuurka a

 

Hargeysa – Taliyaha Ciidanka laanta Socdaalka Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Farax (Xiirane) ayaa taliska guud ee ciidankaas ka hirgeliyay qalab casriya oo lagu ubin doono Baasabooradda iyo Fiisayaasha ay wataanka dadka dalka soo galaya.

 

Taliye Xiirane ayaa markii u horraysay ka hirgeliyay xarunta taliska guud ee ciidanka laanta socdaalka Somaliland, (Document Forensic Lap) oo ah xafiis lagu si casriya loo qalabeeyay, qalabkaasi oo ah mid lagu baadhi doono Document-yada socdaalka, sida baasaboorada been abuurka ah.

 

Geesta kale taliyaha ciidanka laanta socdaalka Somaliland Sarreeya guuto Maxamed Maxamed Xuseen Farah (Xiirane), ayaa tabbabar u soo xidhay hawlwadeeno ka tirsan ciidanka laanta socdaalka, kuwaas oo lagu tababaray sida loo isticmaalo qalabkan casriga, sida loo ogaankaro baasaboorada beer abuurka iyo fiisayaasha wax ka beddelka lagu sameeyay.

 

Gaba-gabadii waxa uu hadalo dhiirigelin iyo dardaaran isugu jira u jeediyay saraakiisa kala duwan ee ka hawlgala Xuduudaha iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ee dhammeystay tababarkan, waxaanu faray in aqoontii tababarkaas ku qaateen ku dabakhaan howlahooda shaqo oo ugu adeegaan bulshadooda.