Wakaallada Wadooyinka Somaliland oo war ka soo saartay Jidka isku Xidhay Somaliland iyo Djibouti 

0
64

Wakaallada Wadooyinka Somaliland oo war ka soo saartay Jidka isku Xidhay Somaliland iyo Djibouti

 

Wakaalada Horumarinta Wadooyinka Jamhuuriyadda Somaliland (RDA) waxay bulshoweynta reer Somaliland u bayaaminaysaa qodobadan hoos ku xusan:

 

1.Dhismaha jidka isku xidhi doona Somaliland iyo Djibouti ee kasoo bilaabmaya Lowyacaddo ilaa Borama oo dhaqaalihiisa ay inaga taageerayso Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), waxaanu halkan muwaadiniinta ugu cadaynaynaa in hawshaasi ay si dardar iyo habsami ah u socoto oo wax hakad ahi aanu ku iman. Dhismaha jidkani waxa uu ku socdaa qorshe cad oo mudaysan oo ay isla qaateen Dawladda Somaliland iyo Baanka Horumarinta Afrika.

 

2.Dhismaha wadada Wadaamo-goo iyo Qorilugud oo ay fulinayso hay’adda NIS Foundation iyada oo dhaqaalahana uu bixiyay Midowga Yurub (EU), waxaanu sidoo kale halkan ku cadaynaynaa in Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka iyo hay’adda NIS ay dhowr jeer kulamo ka yeesheen bilaabida hawshaa iskuna afgarteen dhamaan kulamadaasi iyada oo Wakaaladdu u qorshaysay Injineeradii hay’adda kala shaqayn lahaa bilaabida hawshaa taas oo ay hay’adduna soo dhawaysay Wakaaladda Horumarinta Wadooyinku waxay diyaar u tahay in ay NIS iyo Midowga Yurub kala shaqeeyaan bilowga jidkaasi marka ugu horaysa ee ay xagooga kasoo diyaar garoobaan.

 

Ugu dambayn Wakaaladda Horumarinta Wadooyinku waxay ku boorinaysaa muwaadiniinta sharafta leh in ay wixii xog ah ee wadooyinka ku saabsan ay usoo doonan karaan Wakaaladda soona waydiin karaan markasta oo ay u baahdaan. Waxaanu si sharaf leh uga codsanaynaa muwaadiniinta in aanay wararka ka qaadan dad aan xog-ogaal u ahayn waxa ay ka hadlayaan.