Barlamaanka Somalia Oo Ansixiyey Miisaaniyad Iyo Mushahar Korodhsi

0
75

Muqdisho, December 09, 2023: Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 4-aad ee Labada Golle ee BJFS Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa shir guddoominaya kulanka wadajirka ah ee labada aqal oo ajandihiisu yahay warbixinta Akhrinta 2-aad iyo Akhrinta 3-aad ee xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024.

Xildhibaanada labada golle ee BJFS ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024. Waxaa ogolaaday 186 Xildhibaan, waxaa diiday 3 Xildhibaan, wax ka aamusay ma jirin sida uu ku dhawaaqay natiijada codeynta guddoomiye Cabdi Xaashi.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka Somaaliya Mudane Xildhibaan Biixi Iimaan Cige ayaa Xildhibaanada labada golle kaga mahad celiyay ansixinta iyo talooyinkooda wanaagsan oo ay ku biiriyeen Miisaaniyadda 2024.

DHAMMAAD