Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa Shir-jaraa’id kuqabtay xarunta Madaxtooyada.

0
94
RemasterDirector_1a5c03258

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa Shir-jaraa’id kuqabtay xarunta Madaxtooyada.

Shir-kan Jaraa’id ayaa madaxweynaha lagu waydiiyay su’aalo kuqotoma mashaariicaha kasocda magaalada iyo udiyaargarowga laga sameeyay xuska munaasibadda 29-ka Hidhaar oo sanadkani ay marti-gelinaysay caasimadda deegaanka Soomaalida ee magaalada Jigjiga.

 

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in munaasibaddani ay kusoo aaday xili Deegaanka Soomaalida ay kajirto furfurnaan siyaasadeed, xoriyatul-qawl iyo deganaansho amni.

 

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay bulshada deegaanka in martida lajoogta ay ku qaabilaan dhaqankii lagu yaqaanay soomaalida ee marti-soorka iyo soodhaweynta maadaama sawirka inalaga arko uu katurjumi doono cida aan nahay bulsho ahaan.