Ciidanka Dab-damiska Oo Khatar Culus Ka Hortegay

0
110

Meherada Cookies Time Bakery, Darasalaam Mall ee magaalada Hargeysa kuna taala inta u dhaxaysa wasaarada arrimaha Dibada JSL iyo Kaalinta Aadan Shiine oo Dab ka kacay iyo ciidanka Dab-demiska oo u gurmaday.

 

Ciidanka ayaa markii gurmadkaa lagu soo wargeliyay, si degdeg ah u gaadhay goobtaas, Isla markaana ka hortagay fiditaanka dabkaa. Waxaana ciidamadu badbaadiyeen hantidii Mool kaa taalay iyo kaalin shidaal oo ah goob ay ku yaalaan Meherado iyo Ganacsiyo waaweyn.

 

Ma jirin dhimasho iyo dhaawac uu sababay dabkan, waxaana hawlgalkaa goobjoog ahaa ciidamada Booliska.

 

Dabkan ayaa ka bilaabay halka ay iskugu yimaadaan xadhkaha korontada Mallka, kaasoo hadii shoodh weyni ka kici lahaa halis gelin lahaa goobahaas ganacsi.

 

Ciidanka Dab-demisku wuxuu bulshada markastaba ku wacyigelinayaa inay ka digtoonaadaan wax kasta oo sababi kara dab ama keeni kara khatar kale, gaar ahaan xadhkaha korontada.

 

Allaa Mahad leh

Info.fire@sldgov.org

Cabdiwahaab Toox-yare