Dawlada hoose Hargeysa oo war kasoo saartay Biriiskii dhacay.
“Shacabka reer Hargaysa waxa aanu ku wargalinaynaa in baabuurtii aanu qabanay ee laga soo buuxiyay raashinka dhacay aanu wali hayno sida ugu dhakhsaha badana aanu u gubayno.
Sidoo kale waxa aanu ku daba jirnaa in aanu sharciga la tiigsanno cidii lahayn raashinkan ee dalka soo galisay, walina waanu ku raadjoognaa si aanu u soo xidhno.
Marka aanu raashinka gubayno waanu idin soo bandhigayna, waxa aanu idinku wargalinaynaa in aad noo soo sheegtaan qofkasta oo la kulma alaab dhacday oo uu ka shakiyay.”