Daah-furnaan la’aantu waxay keentaa aamin darro iyo daganaansho la’aan.

0
99

Xaaladda Garroonka Kubadda Kolayga ( Basket Ball ) Dhalinta ee Xaafadda Jig-jiga yar, Degmada Ibraahim Kood-buur ee Magaalada Hargaysa.

 

Garoomada Ciyaaruhu waxay ka mid yihiin Goobaha Dhalinyaradu ay iskugu yimaadaan oo ay hibadooda iyo xirfadooda ciyaareed ku soo ban-dhigaan, sidoo kale kaga bad-badaan Bal-wadaha mustaqbalkooda luminaya.

 

Waxa nasiib darro wayn ah in Garoonkii Kubadda Kubadda Kolayga Dhalinta ee Xaafadda Jig-jiga yar ee Magaalada Hargaysa 11-October-2023 in Cagaf la galiyay oo la laabay garoonkii, iyadoo uu tartan wareeg ahi ka socday oo dhalinyaradu ku tartamayeen.

 

Dhalinyaradu 70-73% ayay ka yihiin bulshada ( Da’da ka yar 30 jir) waana cududa iyo mustaqbalka Dal kasta. Dal kasta sida dhalinyaradiisu uga bad-badaan Bal-wadaha iyo Mukhaadaraadka ayuu ku xidhan yahay, Ciyaaruhuna waxay hormood ka yihiin xirfadaha dhalinyadu kaga mashquusho Bal-wadaha, iyadoo dhalinyaradeenu ay la tacaalayaan shaqo la’aanta.

 

Xukuumaddu inta ay ka fikiraso inay ganacsato raali galinaso, ha ka fikirto inay dhalinyarada iyo bulshada jilicsan u adeegto, hadii duruuf laga maarmi waayay timaado, muwaadiniinta jilicsan waa la qanciyaa oo la hor fadhiistaa.

 

Hadii Xukuumadu u haysato in dhalinyarada si fudud wax looga qaadi karo, waxaanu u taaganahay in xaqooda ay helaan. Magaalooyinka Somaliland waxa ka taagan caqabad dhinaca garoomada ah oo dhalinyaradii aanay haysan garoomo ay ku ciyaaraan, si ay bal-wadaha ula dagaalamaan.

 

Daah-furnaan la’aantu waxay keentaa aamin darro iyo daganaansho la’aan.

 

Waxaan halkan uga nasteexaynayaa Walaalkeen Ganacsade Siciid Sh oo maal-galin sameeyay in xal kale lala doono oo Parking ka Hotel ka ah ee aan garoonka Dhalinyarada aanu xalku noqon walaal.

 

Ugu dambayn, waxa masuuliyad inaga wada saaran tahay ilaalinta danta guud.

 

Waqti waxaynu joognaa dadkii danlay wada noqday oo dantii aynu wada lahayn Meesha ka sii baxaso.”

 

WQ- Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Maxamuud.