Qodobo Kasoo Baxay Ergooyinkii Nabadda Oo  Hargeysa Ku Kulmay

0
100

Qodobo Kasoo Baxay Ergooyinkii Nabadda Oo  Hargeysa Ku Kulmay

Beesha Arab oo casuuntay dhamaan beelaha somaliland Oo dhan kaasi oo xaalada dalka Lagaga tashanayo

 

Maanta oo ay taariikhdu tahay 21/8/2023

Ergada Guddida Beelaha Arab ayaa Magaalada Hargeysa Hadhimo Sharafeed ku soo dhaweeyey Ergooyinka Beelaha HABARJECLO

 

Kulankani waxa uu daba socdaa Gogoshii Nabadeed ee Beelaha Arab u dhigeen dhamaan Ergooyinka ka qayb qaadanayey xal u helidda khilaafka dalka ka jira, kaddib markay Hadhimo sharafeed ku maamuuseen

1- Guddida Garxajis

 

2-sidoo kale waxay la kulmeen xukuumadda

 

Kadib waxay baaq u direen dhammaan cid walba oo danaynaysa xal u helidda xaaladda dalka,

 

Baaqaa kadib Ergada Beesha Arab waxaa hadhimo sharafeed ku maamuusay, kuna hanbalyeeyey

3- Guddida Suuqa waaheen.

 

Waxaa kale oo aanu la kulanay Casuumadna u fidinay oo soo ajiibay:

 

4.Guddiyada Gadabuursi

5.Guddida Ciise

6.Guddida Ayuub

7.Guddida Toljecle

8.Guddida Magaado

9 iyo Guddida Gabooye,

 

Sidoo kalena maanta waxaanu Casuumad u fidinay

10-Guddidii Habarjeclo,

 

Gabagabadii kulankaasi Arab iyo Habarjeclo ayaa kusoo dhammaaday

Laba qodob;

1.Ergada Arab waxay soo jeediyeen in Ergooyinka Nabada isu xilqaamay in la mideeyo,

2.Dhinaca kale Ergada Habarjeclana waxay soo jeediyeen in iyaa loo daayo ergada.

 

Waxaana lagu kala tegay in Ergooyinka isbahaysuguna hawshooda wataan, Habarjeclona hawsheeda wadato.

 

Nabadda Allah ha inoo dhawro quluubteenna Allah ha mideeyo.

 

#Xoghayaha Ergada Beelaha Arab:

Chief Caaqil Deeq Cabdilahi Cali