Ujeedada Hadalkii Raysal Wasaaraha Itoobiya Ee Deked Doonka Ahaa

0
110

Qaanuunka caalamiga ahi dawladaha aan badaha lahayn (Landlocked States) wuxuu siiyay xuquuq guud oo ay kala siman yihiin dawladaha leh xuduudaha badeed oo ay kaga faa’iidaystaan badda gaar ahaan badda caalamiga ah (High Sea), qarnigan la joogo suurogal ma aha mana aha wax la qaadan karo in dawladi ay ku hanjabto in ay xoog ku qabsanayso khayraadka dal kale leeyahay.

 

Hadalka ka soo yeedhay Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ah Ee Ethiopia wuxuu u muuqdaa mid si macno ballaadhan loo fasiran karo.

 

Innagu dawlad ahaan ma lihin xeerar iyo siyaasado la xidhiidha sugidda amniga baddeena, sidoo kale ma lihin imkaaniyaad iyo kaabayaal aynu ku difaacno haddii ay timaaddo khatar inagaga iman karta dawlad kale intaana Ethiopia way ogtahay.

 

Sidaa awgeed, waxaan is leeyahay hadalkaasi wuxuu toos u khuseeya innaga lababa sababood ba.

 

  1. Hadalka waxaa ku jirtay weedh u dhignayd waxaannu ku helaynaa wada-hadal ku dhisan isii oo qaado (Give and Take), taasi oo ka dhigan in arrinta aqoonsiga loola jeedo.

 

  1. In aynaan dawlado kale kula jirin heshiisyo la xidhiidha ammiga baddeena, taa beddelkeedana dawladaha kale ee ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay leeyihiin saaxiibbo la jaal ah oo ay heshiis ku yihiin amniga badda.

 

Garyaqaan Abdirahman Hirad