MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN CASHO SHARAF AH KU MAAMUUSAY MADAXDA IYO MASUULIYIINTA KA QEYB-GALAY KULANKII WADATASHIGA

0
137

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN CASHO SHARAF AH KU MAAMUUSAY MADAXDA IYO MASUULIYIINTA KA QEYB-GALAY KULANKII WADATASHIGA

Muqdisho, Luuliyo 14, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ee shalay ku soo gaba-gaboobay Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.

 

Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay madaxweynaha waxaana ay sheegeen in dowlada Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

 

Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi

 

DHAMMAAD

 

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Abdikadir Ali Dige,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/

Twitter: @TheVillaSomalia