Komishanka Maamul Wanaagga Oo Looga Yeedhay Golaha Wakiilada Su,aalana Lagu Waydiiyey

0
101

Komishanka Maamul Wanaagga Oo Looga Yeedhay Golaha Wakiilada Su,aalana Lagu Waydiiye

 

Guddida joogtada iyo anshaxa ee Golaha wakiilada JSL oo uu gudominayay kusimaha Gudomiyaha MD Axmed cabdi muuse ayaa maanta waxay kulan la qaateen Guddomiyaha Koomishanka maamul wanaaga JSL.

 

Guddomiyaha Koomishanka maamul wanaaga ayaa warbixin Ka siiyey Guddida shaqada ay Qaranka u hayaan,waxaana halkaas su’aalo dhinacyo badan taabanaya ay xildhibanadu Ku waydiiyeen Guddomiyaha Koomishanka maamul wanaaga.

 

Halkaas ayaanu Guddomiyaha Koomishanka maamul wanaagu si tafatiran uu uga jawaabay su’aalihii xildhibanadu waydiiyeen.

Kulankan ayaana Ku soo dhamaaday jawi degan.