Ganacsato Cashuurta Badeecad Dekedda Ugaso Degtay La Baxsanaayay Oo Lagu Qabtay

0
97

Ganacsato Cashuurta Badeecad Dekedda Ugaso Degtay La Baxsanaayay Oo Lagu Qabtay, Laba Makhalas Oo La Xidhay Iyo Maamule Ku Xigeenkii Rarka Badeecada Oo Hanti Dhawrku Baadhis Galiyay.

 

Ganacsato waawayn oo dekedda Berbera kala soo degay agab electronics oo ah kuwa isgaadhsiinta loo adeegsado ayaa la qabtay iyaga oo la baxsanaysa cashuurtii ku waajibtay, waxaana arinkaasi sababtay in la xidho laba mukhalas oo wakiil u ahaa iyo in baadhis la galiyo maamulada kastamka Berbera iyo kuwa barxada rarka Badeecada (Jeekinka).

 

Lacagta cashuurta ee lala baxsanaayay ayaa qimaheedu ka badnaa Hal Bilyan SLSH ah, waxaana ay sababtay khilaaf xoogan oo ka dhex qarxay masuuliyiintii ku shaqada lahaa ee maamulka kastamka iyo kuwa barxada hubinta kastamka dekeda, kadib markii ay ku kala aragti duwanaadeen arintaas.

 

~ Samraawi Media