Inta Somaliland ay ka go’do Soomaaliya ogaada ma jiri doonto Soomaali mideysnaan” Garaad Jamaac

0
92

Garaadka Guud ee SSC-Khaatumo, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa goordhaweyd Nairobi ka sheegey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay toos ula safatay Somaliland isla markaasna ku taageereyso duqeymaha Laascaanood: “Soomaaliyey yaan nala ku hallayn Dowladda Federaalka, waxa aannu ognahay in ay Somaliland ku garabsiineyso duqeynta Laascaanood, waxa aannu ognahay in ay hortaagan tahay talaabooyinkii Beesha Caalamka, waxa aannu caddaynaynaa in aysan jirin wada-hadal iyo xal socda,sida ay DFS wax u waddo nabad iyo heshiis lagu helimaayo.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Garaadku raaciyey: “Inta Somaliland ay ka go’do Soomaaliya ogaada ma jiri doonto Soomaali mideysnaan doonta ee qabiil walba gaar ayuu u go’i doonaa.”