“Shirkadda Worldremit waxay baalmartay, xadgudubna u gaysatay heshiiskii naga dhaxeeyay iyada oo si tuugo ah u isticmaashay adeegga ZAAD.”

0
133

“Shirkadda Worldremit waxay baalmartay, xadgudubna u gaysatay heshiiskii naga dhaxeeyay iyada oo si tuugo ah u isticmaashay adeegga ZAAD.

 

Warsaxaafadeed TELESOM: Kaalinta ZAAD uu bulshada ugu jiro iyo aasaaska heshiiskii ganacsi ee jabay ee u dhexeeyay Telesom iyo Worldremit.

 

Horumarka dhaqaale ee dalalka waxa lagu cabbiraa fudaydinta isku socodka dadka, ganacsiga bucshuradaha iyo adeegyada maaliyadeed.

 

Tan iyo intii uu hirgalay adeegga ZAAD muddo dhowr iyo toban sanno ah, waxa fududaaday, si xowli ahna kor ugu kacay adeegga maaliyadeed ee dalka iyada oo ay ku diirsadeen boqolaal kun oo reer Somaliland ah. Waxa kale oo uu qayb libaax ka qaatay soo jiidashada indhaha dunida madaama uu ahaa adeeggii labaad ee noociisa ah ee ka hirgala qaaradda Africa. Waxa iyana xusid mudan in uu door shariif ah ka qaatay in uu ammaan hal-abuurnimo u keeno dalkeena kuna mutaystay abaalmarinno caalami ah.

 

Mabaadi’da ganacsiga furfuran ee dalkeenu qaatay, dastuurkeenana ku qoran, dawladaheenii kala dambeeyayna ay dhiirigaliyeen ayaa uga dhigay hanti gaar ah ciddii la timaadda hal-abuuris maskaxeed iyo mid tiknoolajiyadeed, taas ayaana keentay in Somaliland ka mid noqoto dalalka ugu unkamidda badan tiknoolajidaha ku dhisan hal-abuurnimada. Iyadoo taas laga shidaal qaadanayo, adeegga ZAAD waxa uu ka mid yahay adeegyadda hal-abuurka tiknoolajiyadeed ku dhisan ee ay samaysay Shirkadda Telesom taas oo ay ku mutayasatay in ay gaar u yeelato maamulkiisa, ka shaqaysiintiisa iyo ilaalintiisa xuquuqda aasaasnimo.

 

Dhinaca kale, waxa jira cabbiro ama tilmaamayaal lagu eego heerka hufanaanta adeeg bixiyayaasha bulshada, waxaana ka mid ah cabbiradaas: waqtiga ay qaadato xalinta ciladuhu, muddada ka soo kabashada ciladaha farsamo iyo xallinta cabashada macmiilka iyo qaar kale oo badan. Waxa xusid mudan in cabbiradaas ama tilmaamayaashaasi ay ka dhigeen adeegga ZAAD waxa uu ku hantay dadwaynaha, macaamiishuna ay ugu qanceen.

 

Suuqa xorta ahi waxa uu bulshada siiyaa madax bannaani iyada oo haddii adeegbixiye tahli kari waayo raali-galinta macmiilkiisa, soo jiidashada dadweynaha, bixinta adeeg hufan ay keensato in uu waayo macaamiishiisa isla markaasna ganacsigiisu uu hoos u dhaco.

 

Iyadoo dhammaan arimahaas sare ku xusan lagu xisaabtamayo waxa hubaal ah in shirkadda Telesom ay masuul ka tahay habsami u socodka shaqo ee adeegga ZAAD iyadoo ilaalinaysa shuruucda maaliyadeed ee dalkeenu leeyahay iyo heshiisyada ay wada galaan Shirkadaha kale.

 

Shirkadda Telesom waxay xidhiidh la leedahay shirkado dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ka aasaasan, xidhiidhadaasina waxay ku qotomaan heshiisyo qoran oo dhinacyada siinaya xaq iyo xuquuq qeexan. Haddaba, Shirkadda Worldremit waxay baalmartay, xadgudubna u gaysatay heshiiskii naga dhaxeeyay iyada oo si tuugo ah u isticmaashay adeegga ZAAD. Heshiiskii noo dhaxeeyay waxa uu awood u siinayaa daraf kasta inuu adeeggiisa kala noqon karo darafka kale haddii uu baalmaro ama uu ku xadgudbo heshiiska. Arinta uu sheegay Ismaaciil Axmed oo ka mid ah aasaasayaasha Worldremit oo ah in aan qiimo isku qabanay wakhtigan xaadirka ah waa war aan sal iyo raad toona lahayn loogana fadhiyo caddeynteeda qoraal ee aan u dirnay.

 

Waxa iyana is waydiin leh adeegga ay Telesom u fidinaysay ismaaciil iyo shirkaddiisa muddo ka badan 10 sanno waxa maanta ka dhigay mid aan la isku hallayn karin! iyadoo uu ku tilmaamay in ayna dunida jirin shirkad 80% haysta suuqa adeegyada maaliyadeed ee Mobile-ka, balse la wada yaqaan dalka Kenya in adeegga MPesa oo ay leedahay shirkadda Safaricom uu saamiga suuqiisu (market share) uu ka badan yahay 90%.

 

Ugu dambayn, waxa aanu u aragnaa meel ka dhac in laamihii dawladda u qaabilsanaa bixinta liisamada, kormeeridda iyo kawar-haynta shirkadaha bixiya adeegyada maaliyadeed laga dhigo kuwa gabay shaqadoodii ama aan garanayn waxa dalka dan u ah.

 

“Xaashee nin libin kaa xistiyay xumahii waa yaabe!” – Salaan Carabeey.

 

Telesom Company