𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗼𝗿𝗮𝗺 𝗹𝗮’𝗮𝗮𝗻 𝘂 𝗕𝗮𝗮𝗾𝗱𝗮𝘆 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗼𝗼 𝗳𝗮𝗿𝗶𝗶𝗻 𝘂 𝗱𝗶𝗿𝗮𝘆 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮

0
119

𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗼𝗿𝗮𝗺 𝗹𝗮’𝗮𝗮𝗻 𝘂 𝗕𝗮𝗮𝗾𝗱𝗮𝘆 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗼𝗼 𝗳𝗮𝗿𝗶𝗶𝗻 𝘂 𝗱𝗶𝗿𝗮𝘆 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵

𝗛𝗔𝗥𝗚𝗘𝗬𝗦𝗔 -Gudoomiyaha golaha guurtidda Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa xildhibaanada golaha ku wargaliyay inay maalinta berri ah ka soo xaadiraan fadhiga, kadib markii maanta uu goluhu u furmi waayay kooram la,aan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay fadhiga maanta ka soo xaadireen 35 mudane oo kaliya sidaasina uu ku baaqday fadhigii maantu.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu xildhibaanada u sii jeediyay inay soo dedaalaan maalinta berri ah, soona buuxiyaan fadhiga.

Golaha ayaa waxa uu maanta u balansanaa inay dhagaystaan warbinaha guddi hoosaadada, taasi oo ku saabsan doodii ajandaha Kal-fadhiga 81-aad ee golaha.