Somaliland Oo Shaacisay Tartan Caalami Ah Oo Lagu Qabanayo

0
98

Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Oo kaashanaysa Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ayaa maanta shaaciyey xilliga rasmiga ah ee la qabanaayo Hargeysa International Have Marathon.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdirashid Caydiid Yaasin ayaa maanta ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah ee la qabanaayo orodka hargeysa international have marathon oo dhici doona 23/06/2023 oo ku beegan maalin jimce ah.sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay inay tartankani ay kasoo qayb galayaan 10 dal oo caalamka ah sida Congo, Masar, Angola, Burundi, chat iyo dalal kale oo orodkaasi qayb ka ah.

 

Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha maxamed Mohamed Xasan Nageeye ayaa isaguna dhankiisa sheegay in orodkani uu yahay markii 2aad oo la qabto, sidoo kalena aanu rajaynayno inaanu ku helno ictiraaf (IAAF) oo uu noqdo mid caalamka ka diwaangashan, waxaana uu intaasi kusio daray in cidkasta oo reer somaliland ah ufuran tahay orodkani oo uu ka qaybgali karo.