Somaliland Oo IGAD Ku Boorisay In La Xoojiyo Nabadda Gobolka Iyo Amniga Xuduudaha.

0
123

Somaliland Oo IGAD Ku Boorisay In La Xoojiyo Nabadda Gobolka Iyo Amniga Xuduudaha

Somaliland ayaa Sheegtay inay waddamada ku shiray Jabuuti ee Urur Goboleedka IGAD Ugu baayso inay xoojiyaan Horumaribta Nabadda Gobolka iyo Amniga Xuduudaha.

Wasiirka Gaashandhiga Somaland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa sidan ku sheegay barta uu ku leeyahay Twiterka qoraal uu ku baahiyey, waxaanu u dhignaa sidan

“Somaliland waxay soo dhawaysay shirka madaxda IGAD ee Jabuuti, iyadoo ku boorisay madaxda gobolka inay taageeraan dadaallada lagu horumarinayo nabadda gobolka iyo amniga xuduudaha. Waxaan sidoo kale ku baaqaynaa iskaashiga ka dhexeeya waddamada si loo fududeeyo isu socodka dadka iyo badeecadaha, sidoo kalena kor loo qaado xidhidhka ganacsiga”