Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay toogasho ka dhacday guri ku yaalla magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika

0
139

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay toogasho ka dhacday guri ku yaalla magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika

 

Dabley hubeysan ayaa gudaha u gashay qol ku yaal guri ay degganaayeen ragga oo ku dhow magaalada Durban ee bariga Koonfur Afrika, halkaas oo ay ku dileen siddeed qof labo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay booliisku sheegeen, waana toogashadii ugu dambeysay ee dalkaas ka dhacday.

 

Todoba nin ayaa lagu dhawaaqay in ay dhinteen isla markiiba ka dib toogashada oo ka dhacay magaalada Umlazi Halka Nin sideedaad uu dhintay maalin ka dib sida ay booliisku sheegeen.

 

Labo kale oo dhaawac ah ayaa isbitaalka la dhigay, waxaana ku jira nin ka soo booday daaqadda qolka si uu uga baxsado rasaasta.

 

Booliska ayaa sheegay in 12 nin ay ku sugnaayeen qolka ay toogashasu ka Dhacday kuwaas oo rag badan oo hubeysan ay soo jabsadeen albaabka kadibna ay toogteen.