Dagaalkii Hawdka Togdheer Oo Soo Laba Kacleeyay Iyo Tirada Dhimashada

0
255

Dagaalkii Hawdka Togdheer Oo Soo Laba Kacleeyay, Dilka Hal Nin Oo Lasoo Weriyay Iyo Deegaano Hor Leh Oo Hada Dagaal Ka Socdo.

 

Dhimashada hal nin iyo dhaawaca mid kale ayaa laga soo sheegayaa hawdka gobolka togdheer, kuwaas oo ay maanta dileen Ciidaan beeleed hubaysan.

 

Ninka ladilay iyo afar nin oo kale oo la socday ayaa ahaa geeljiraal, geel daaqsina la joogay deegaan u dhow Cadow yurure, halkaas oo malayshiyo beeleed ku weerareen, sida ay i xaqiijiyeen ninka la dilay ehelkiisu.

 

Dilkan maanta dhacay ayaa kusoo beegnaaya xili magaalada Burco uu shir uga socdo labada beelood ee hawdka ku dagaalamay, kuwaas oo ka tashanaaya colaada dhex martay sidii loo suulin lahaa.

 

Dhinaca kale Warar kale oo aan ka helnay hawdka Togdheer ayaa sheegaya dilkaasu uu sababay in dagaal cusub uu qarxo, hada uu ka bilowday deegaano kala duwan oo ay ka mid yihiin kaamamka Cabdi Case iyo Xayir oo ku yaala duleedka magaalada Burco, sida ila wareedyo kala duwan sheegeen.

 

Samraawi Media