DEGDEG: Madaxweyanaha Puntland oo si adag ugu jawaabay Dawlada Federaalka ay ee Soomaaliya

0
133

DEGDEG: Madaxweyanaha Puntland oo si adag ugu jawaabay Dawlada Federaalka ay ee Soomaaliy.

 

“Puntland qayb kama ahayn, mana qusayso warkii dhawaan soo baxay, kuwii hore waxaan uga baaqsanay oo aan u saxiixi waynay waxaan arkaynay meel qaldan in loo wado dalka.

 

hadii la rabo xasilooni la’aanta Soomaaliya in la xaliyo waa in Somaliland ay timaado miiska, oo xalka wadajir loo raadiyo, hadii la kala maqanyahay weligeen wax mira dhal ah soo bixi-maayaan.

 

Qaab-dhismeedka dawlada ee hadda laga hadlayo waa arin khatar ah, bulshadaan 60ka sano xorta ah, waxaa jirtay fahan-daro ah habka loo qaybinayo ama loogu dhaqmayo awoodaha dawladnimada, Puntland waa ka digaysaa waxkasta oo khatar ah.

 

1991 shirkii ka qabsoomay jabuuti, ilaa kii u danveeyay Embegaati, waxaa lagu heshiiyay nidaam Parliamnetry ah oo leh Madaxweyne iyo raysal-wasaarw, barnaamij ilaa waqtigaas lagu soo dhaqmayay ma dhacayso in dhawr qof ay habeen madaw bedelaan, wixii lagu heshiiyo ayaa shardi ah, hadana sabab loo bedelo ma muuqato, ififaalaha uu madaxweynuhu ula dhaqmayi waan arkaynay, awalna wuu baabi’iyay xafiiska awood qaybsigga oo awoodihiisii buu qaatay, hadana si bareer ah buuba u yiri maba jiri.

 

Waxaa jira Baarlamaan 2 Aqal ah, oo waxaa loo sameeyay oo loo adkeeynayay in 2 qof say doonaan aysan ka yeelin, Anigu shirkii u danbeeyay ee aan taggay waxaa naloo keenay dastuurkii oo sidii la rabo loo bedellay, waana diidnay.

 

Dastuurka Puntland waxa uu na farayaa in aan si gaar ah u dhaqano inta dawlad Soomaaliyeed oo miyir qabta la helayo, Puntland-na qayb kama aha arimahaas, gudigii wada-xaajoodka Puntlnad iyo DFS dhawaan way hadlayaan, oo bulshada Puntland wada-tashi bay la yeelanayaan. Dawlada Puntland waxay u taagantahay midnimada”

 

Sorce Halbeeg