Erdugaan Oo Ku Guulaysatay Doorashadii Turkiga Iyo Madaxda Adduunka Oo Bogaadiyey

0
164

Hogaamiyaal badan oo caalamka ah ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ka dib markii warbaahinta dowladda ay sheegtay in uu ku guuleystay mar kale doorashada ku celiska ah ee taariikhiga ah taasoo caqabadii ugu weyneyd ee soo wajahday 20-kii sano ee uu xukunka hayay.

 

Boqolkiiba 97 ee sanaadiiqda cod bixinta ayaa la sheegay in Erdogan uu helay 52.1 boqolkiiba codadka wareegii labaad ee Axadii, isagoo ka adkaaday Kemal Kilicdaroglu oo la tartamayay , kaasoo helay 47.9 boqolkiiba