๐—š๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐˜๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ด ๐—ธ๐—ฎ ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ

0
258

Wali waxa ka socota xarunta golaha guurtida dooda ajandaha Kal-fadhiga 81-aad ee golaha qodobka arrimaha bulshada farqadiisa Biyaha oo ay mudanayaashu siyaabo kala duwan uga hadleen xaaladda biyaha dalka.

Xildhibaanada ayaa dadwaynaha Somaliland ku booriyay inay ka faa’ideystaan biyaha roobka una samaystaan goobo ay ku kaydsadaan.

Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in dib loogu noqdo siyaasadda guud ee biyaha dalka taas oo ay sheeegeen in siyaasadda biyaha sidii loo baahna aan loogu dhaqmin.

Sidoo kale xildhibaanadu waxa ay sheegeen in 100 qoys wax ka badan aan loo sameyn biyo gelin, waxa ay intaasi ku dareen inay qaali bulshada ku tahay lacagta lagu soo gashanayo biyaha iyo lacagta lagu iibsanayo saacada biyaha oo ay tilmaameen in wakaaladda biyuhu ku qaaliyaysay dadwaynaha, waxaanay soo jeediyeen in hoos loo eego bulshada haraadan.