Farmaajo Oo Ka Hadlay Doorashada Puntland Iyo Waxa Uu Ka Yidhi

0
121

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bogaadiyay Dorashada Qof iyo Cod ee 5Bishan ka dhacaysa Puntland.

—————————————————————

 

“Bismillaahi Al-raxmaani Al-raxiim

 

Ugu horreyn waxaan reer Puntland, bulsho iyo maamulba, ku bogaadinayaa sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda.

 

Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

 

Alle waxaan uga baryayaa guud ahaan dadkeenna Soomaaliyeed iyo dalkeennaba in uu siiyo barwaaqo, horumar, nabad iyo nolol wanaagsan.

 

Wa Billaahi Al-Towfiiq.”